Yeelashada guri waa Dhawdahay

Isdiyaari. Diyaargarow! Waanu ku caawin!

 

INGIRIISI/ENGLISH

Lahaanshaha gurigu waa hadaf wayn. In la gaadho waxay u baahan tahay wakhti, taageero iyo isku kalsooni. Qaar badan oo innaga mid ah waxay su’aal ka keenaan bal haddii aynu mar uun guri yeelan doono. Ha rumaysan khuraafaadka kaa horjoogsanaya inaad isku daydo.

Yeelashada gurigu wax fog ma aha. Dhabbaha qofku qaado iyo wakhtiga dadku waa ku kala duwan yihiin, laakiin haddii dulqaad iyo adkaysi aad la timaaddo, waxaad salka u dhigi kartaa inaad hanti dhisato oo aad guul u horseedo naftaada iyo qoyskaagaba.


Miyey jiraan nidaamyada amaahinta ee aan soo-jireenka ahayn?

JAWAAB: Haa, waxa jira nidaamyo amaahin oo aan soo-jireen ahayn kuwaasi oo anfacay qoysas Muslimiin ah oo badan. La xidhiidh la-taliyaha yeelashada guriga si aad wax badan u ogaato.

Homeownership Opportunity Alliance lama shaqeeyaan mana oggolaadaan wax nidaamka amaahinta oo gaar ah.

Miyey Tahay in aan iskay u sameeyo arinkan?

JAWAAB: Maya habayaraatee! Marka laga tago ka helista taageero la-taliyayaal lagu kalsoon yahay iyo taageero niyadeed oo aad ka hesho qoyskaaga iyo saaxiibadaa, Homeownership Opportunity Alliance waxa kamid ah saaxiibo arrimaha khayriga ka shaqeeya kuwaasi oo kugu hagi doona kuwan iyo su’aalo badan oo kale inta aad hayso dhabbahaaga yeelashada guri.

Waxaanu leenahay la-taliyayaal ku hadla Soomaali, Amxaari, Oromo, Dinka (Suudaaniis), Sawaaxili, iyo Anuak (Anyuak).

Miyay tahay inaan sii bixiyo lacagta 20%?

JAWAAB: Ma aha inaad sii bixiso lacag badan si aad guriga u iibsato.

  • Mararka qaar lacagta la sii qaddimayaa waxay ka yaraan kartaa deebaajiga kirada
  • Dayn-bixiyayaal badan waxay bixiyaan nidaamyo lacagta la sii bixinayaa ay yar tahay (3.5% ama ka sii yar)
  • Waxaad sidoo kale mutaysan kartaa inaad bixiso lacag ama kaalmada xidhista kharashka

Sidee ay muhiim u tahay dayntu?

JAWAAB: Haddii aanad lahayn taariikh ama dhibco xagga daynta ah, ama haddii aad u baahan tahay inaad is-nadiifiso ama wax ka qabato dayntaada, waxaanu kugu xidhi doonaa la-taliye lagu kalsoon yahay oo ku caawin kara

  • Buundooyinka daymaha lama saxo waxana ku dhici kara sare-u-kac iyo hoos-u-dhac iyadoo ku xidhan tallaabooyinka aad qaadayso

Miyaan sameeyaa lacag ku FIlan?

JAWAAB: Lyadoo ku xidhan halka aad rabto inaad ku noolaato, yeelashada guri waxa dhici karta inay ka jaban tahay in qofku kiro bixiyo.

  • Yeelashada (guri) marka la barbardhigo kiradiisa waxa laga helaa fursado inaad hanti iyo lacag yeelato

African Development Center – 612-333-4772

African Economic Development Solutions – 651-646-9411

Three Rivers Community Action – 507-316-0610